VIRTUOPO (VIRTUAALINEN OPINTO-OHJAAJA = TILMAANSIIYAHA WAXBARASHADA EE VIRTUAALKA AH) WAA ADEEG WARARKA AH OO KU SAABSAN ARRIMAHA LA XIRIIRA XIRFAD DOORASHADA, WAXBARASHADA IYO NOLOSHA SHAQADA, WAXAANA LOOGU TALAGALAY DADKA WADDANKA U SOO GUUREY IYO KOOXA KALE EE KHAASKA AH.

Virtuopo waxaad ka heleysaa warar ah luuqad sahlan, luuqadda Finnishka iyo luuqadda faro ka hadalka ee dadka dhegaha la'i isticimaalaan. Bogag waliba waxyaabaha ay ka kooban yihiin waxaa loo qoray iyadoo la reegayo cidda isticimaalaysa. Boggaga ku qoran luuqadda sahlan waxaa ku yaalla waxyaabo ay ka mid yihiin warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey. Boggaga luuqadda faro ka hadalka waxaa ku qoran warar saameeya dadka dhegaha la'a, dadka maqalkoodu naafada yahay iyo dadka xagga aragga iyo maqalka naafada ka ah. Boggaga luuqadda Finnishka ku qoran waxaa loogu talagalay dadkoo dhan, laakiin waxaa boggagaas ku qoran warar loogu talagalay dadka leh cilladda ah inay waxbarashadu ku adag tahay. Qoraaladda dadka waddanka u soo guurey saameeya waxaa si wadajir ah loola sameeyey Qaybta Hagidda Dhaqamada kala duduwan ee Jaamacadda Jyväskylä. Samaynta boggagan waxaa ka qaybqaatay dad ka socda kooxa boggagan loogu talagalay, tusaale ahaan cid ka socotey dadka waddanka u soo guurey.

BOGGAGA LUUQADDA SAHLAN EE VIRTUOPO (VIRTUOPON SELKOKIELISET SIVUT) waxyaabaha ku qoran waa hadal ka sahlan luuqadda guud ee Finnishka, sidaa darteed xitaa iyadoo ay weli xoogaa kugu adag tahay inaad wararka ku raadsato af Finnish, ayaad boggagan ka heleysaa warar aasaasi ah oo ku saabsan wax ka barashada iyo ka shaqaysashada Finland. Boggagu waxay kaloo leeyihiin jidad badan oo kugu xiraya boggag kale oo aad ka heleyso warar faahfaahsan.

Waxyaabaha boggaga lagaga hadlayo waxaa ka mid ah nidaamka waxbarashada ee Finland, maalgelinta waxbarashada, fursadaha waxbarashada iyo shaqada ee loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey iyo dadka naafada ah iyo guud ahaan sharciyada nolosha shaqada ee bulshada Finnishka ah. Boggaga waxaad kaloo ka heleysaa eraybixin, taas oo ah erayada luuqadda Finnishka ah ee la xiriira waxbarashada iyo doorashada shaqada ayaa laguugu sharaxayaa Finnish fudud. Boggaga waxaa lagaga waramayaa xirfadaha cilmiyada kala duwan. Qaybta jidka shaqada (urapolkupalsta) dhowr qof oo dadka waddanka u soo guurey ah ayaa kaga waramaya waayoaragnimadooda ku saabsan waxbarashadooda, shaqo raadintooda iyo shaqo qabashadooda ee intay Finland joogeen.

Sidoo kale BOGGAGA LUUQADDA FINNISHKA (SUOMENKIELISET SIVUT) waxaa ku yaalla warar faa'iido u leh dadka waddanka u soo guurey. Wararka boggagan ku yaalla guud ahaan cid waliba inay isticimaasho ayaa loogu talagalay, laakiin waxaa si gaar ah boogagan loogu tixgeliyey dadka leh cilladah sahlan ee ah inay waxbarashadu ku adag tahay. Boggaga luuqadda Finnishaka wararka ku yaallaa aad bay uga ballaaran yihiin oo uga badan yihiin marka loo fiiriyo wararka ku yaalla boggaga luuqadda sahlan iyo kuwa luuqadda faro ka hadalka. Wararka boggaga luuqadda Finnishku waxay saameeyaan ”cid walba oo waxbarata”, waana warar ku saabsan laga bilaabo caafimaadka ilaa xirfad doorashada iyo ilaa laga gaarayo waxbarashada heerka sare. Boggagani waxay sidoo kale faa'iido u leeyihiin macallimiinta iyo hawlwadeenada la shaqeeya dadka waddanka u soo guurey!

ADEEGGA VIRTUOPO EE LOOGU TALAGALAY DADKA WADDANKA U SOO GUUREY waxaad u gudbeysaa markaad gujiso sawirka dhinacan ku yaalla .

Markaad gujiso geeska sare ee qoraalka bogga Virtuopo, waxaad dib ugu noqonaysaa boggaga bilowga ah.

NASIIB WANAAGSAN OO KUGU RIDA JIDKA WAXBARASHADA IYO XIRFAD DOORASHADA!

 
© VirtuOPO 2005. Page last modified 27.09.2005 18:21.